Kylian Mbappé oo xalay sameeyey RIKOODH gaar ah isagoo noqday ciyaaryahankii….

(Paris) 26 Maarso 2019. Kylian Mbappé ayaa xalay rikoodh gaar ah sameeyey kulankii ay guusha gaareen dhiggooda Iceland.

Xulka qaranka France ayaa 4-0 uga adkaatay xalay xulka Iceland, Kylian Mbappé ayaana noqday kulankan ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda xulka qaranka France u safta 30 kulan.

Kylian Mbappé ayaa xulka qaranka France u saftay isagoo jira 20 sanadood iyo 95 maalmood, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda xulkan u safta 30 kulan.

Kulankii xalay ee Iceland ayuu Kylian Mbappé sameeyey bandhig aan caadi ahayn isagoo gool dhaliyey labo kalena caawiyey.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa 30 kulan oo uu u saftay xulka qaranka France waxa uu u dhaliyey 12 gool isagoo u sameeyey 7 caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close