“Haddii uu Aabahaa sidan sameyn lahaa oo uu Xabadka galin lahaa Naag kale….”.- Maxamed Saalax Hooyadii oo Fariintan u reebtay Wiilkeeda kaddib markii ay aragtay Sawirkan..!!!

(Dubai) 26 Maarso 2019. Mohamed Salah hooyadii ayaa dood ka keentay sawir uu wiilkeeda ku galay Magaalada Dubai isagoona hab siinayay qof dumar ah.

Xiddiga reer Egypt oo baryahaan ku jira abaar goolal la’aan ah ayaa fasax ku jooga dalka carbeed.

Sawirro badan oo  ku aadan fasaxiisa ayuu soo dhigay baraha bulshada iyadoo uu mid ku muujinayay jaceylka uu u qabo Liverpool.

Oraahda ay ku caanka tahay Reds ee “You Will Never Walk Alone” ayuu Saalax ku qoray carada xeebtii uu ku baashaalayay.

Waxay u muuqataa in 26-jirka uu la kulmay taageerayaal intii uu ku guda jiray fasaxa uu ku joogo Dubai.

Mid ka mid ah sawiradii uu taageerayaasha la soo galay ayaa soo jiitay dareenka dad badan oo baraha bulshada gaar ahaan Hooyadii taa oo aan ku farxin.

Sawirka ayaa waxaa ka muuqanaya gabar si kal iyo laab ah laabta u galineysa Maxamed Saalax.

Hooyadii oo sawirka aragtay ayaana u soo dirtay Fariintan ku qoran Afka carabiga oo Soomaali ahaan u dhaceysa sidan:

“Waa wareey, waa maxay waxaan!!!

“Haddii aan arki lahaa Aabahaa oo sidan sameynaya Furiin ayaan ka dalban lahaa (Waan iska furi lahaa).”.

Tokeo la picha la Mohamed Salah Hugging a Woman

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close