Manchester United oo kula dagaalameysa kooxaha Napoli, Arsenal iyo Barcelona, saxiixa ciyaaryahan muhiim ah

(England) 25 Maarso 2019. Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay si weyn u dooneyso inay ugu ciriiriso dhigeeda Napoli saxiixa gooldhliyaha reer Mexico iyo kooxda PSV Eindhoven ee Hirving Lozano.

Wakiilka laacibkan reer Mexico ayaa ah Mino Raiola oo wada shaqeyn fiican ay ku soo dhex martay xiliyadii lasoo dhaafay in ka badan hal ciyaaryahan gaar ahaan xidigaha kala ah, Pogba, Henrikh Mkhitaryan iyo Zlatan Ibrahimović.

Hirving Lozano ayaa bandhig fiican ku sameeyay tan iyo markii uu ku biiray kooxda PSV Eindhoven, wuxuuna 23 jirkan awooday inuu ku dhaliyo 19 gool 34 kulan uu u ciyaaray xili ciyaareedkan kooxdiisa reer Holand.

Kooxda reer Talyaani ee Napoli ayaa isku diyaarineysay in saxiixa Hirving Lozano ay ka gudbiso aduun dhan 34 milyan oo ginni, laakiin Manchester United ayaa dooneysa inay bixiso qiimo intaas ka badan, iyadoo ay suuragal tahay inay u adeegsato howlgalkan wakiilka caanka ah ee Mino Raiola.

Kaliya ma ahan Manchester United iyo Napoli kooxaha doonaya saxiixa Hirving Lozano, ee sidoo kale waxaa jira kooxo kale ee qeyb ka ah loolanka loogu jiro xidigan, waxaana ka mid ah Tottenham, Arsenal iyo Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close