Laacib hore ee Chelsea oo ka hadlay kooxda ugu cad-cad ee ku guuleysan karta Premier League xili ciyaareedkan

(England) 25 Maarso 2019. Laacibkii hore kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Holand ee Mario Melchiot ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa kaga aadan kooxda ugu cad-cad ee xili ciyaareedkan ku guuleysan karta horyaalka Premier League.

Mario Melchiot ayaa wareysi gaar ah uu ku bixiyay wargeyska “Daily Express” ee dalka England wuxuu kaga hadlay aragtida uu ka qabo kooxda xili ciyaareedkan ku guuleysan karta horyaalka dalka England.

Image result for mario melchiot

“Waxaan u jeclahay tababare Jürgen Klopp macalin ahaan, taas micnaheeda ma ahan inaan jecleyn Pep Guardiola, wuxuu ciyaaraa kubadda cagta aan caadi ahayn”.

“Laakiin waxaan jeclahay dhiirigelinta iyo hamiga uu Jürgen Klopp kala soo dhax muuqdo garoonka dhexdiisa kulan kasta”.

“Balse waa inaan haatan taageeraa kooxda Manchester City, waxaan jeclahay qaabka ay uga jawaabeen su’aalaha oo dhan, iyo shakiga la galiyay awoodooda ciyaareed ee xili ciyaareedkan”.

“Waxaana qabaa in Manchester City ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League”.

Waxaa xusid mudan in kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay xili ciyaareedkan si xoogan ugu dagaalamayaan ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close