Ka Bogo Magacyada 24-ka Waddan ee u soo baxay tartanka Qarammada Afrika sanadkaan ee Africa Cup of Nations 2019

(Cairo) 25 Maarso 2019. Waxaa soo dhammaystirmay 24-ka waddan ee kama dambeysta ah oo u soo baxay tartanka qarammada Afrika sanadkaan ee Africa Cup of Nations 2019.

Wadammadii dhimanaa ayaa xalay soo dhammaystirmay oo xaqiijiyey inay soo gudbeen kaddib markii ay la yimaadeen natiijooyin wanaagsan, waxaana hadda la shaaciyey 24-ka waddan ee isugu soo haray tartanka qarammada afrika sanadkaan.

Tartanka qarammada afrika sanadkan ee Africa Cup of Nations 2019 ayaa waxaa marti gelin doona dalka Egypt ama Masar inta u dhaxaysa 21-ka bisha June illaa 19-ka bisha July.

Haddaba halkaan hoose ka eeg magacyada 24-ka dal ee u soo baxay tartanka qarammada Afrika 2019:-

Senegal, Madagascar, Morocco, Cameroon, Mali, Burundi, Algeria, Benin, Nigeria, Ghana, Kenya, Guinea, Ivory Coast, Angola, Mauritania, Tunisia, Egypt, Guinea Bissau, Namibia, Uganda, Tanzania, South Africa, Democratic Republic of Congo iyo Zimbabwe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close