Jose Mourinho oo shaaciyey xiddiga aan la iibsan karin waqtigan ee ka qaalisan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi!

(Yurub) 25 Maarso 2019. Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe uu yahay ciyaaryahanka ugu qaalisan kubadda cagta adduunka waqtigan.

Jose Mourinho ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Kylian Mbappe uu yahay ciyaaryahanka ugu qiimaha badan waqtigan adduunka, isagoo intaa raaciyay in weeraryahanka da’da yar ee Faransiiska haatan uu yahay mid aan la iibsan karin.

Mbappe ayaa kooxda Paris Saint-Germain kaga soo biiray naadiga Monaco sanadkii 2017-kii markaasoo ay kala soo baxday adduun dhan 180 milyan oo euro oo u dhiganta 166 milyan oo gini ama 212 milyan oo dollar.

Taasi waxa ay ka dhigtay ciyaaryahanka ugu qaalisan xiddigaha da’yarta ah isagoo sidoo kale noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan kubadda cagta adduunka, waxaana uu kaliya ka dambeeyaa laacibka ay ka wada tirsan yihiin kooxda PSG ee Neymar Jr.

Mbappe ayaa markaas kaddib ka caawiyey xulka qaranka France hanashada koobka Adduunka ee sanadkii hore 2018 lagu qabtay waddanka Ruushka, halka uu dhaliyey 26 gool 23 kulan oo uu saftay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa sheegay in Mbappe marka ay sheekadu suuqa kala iibsiga tagto uu ka qaalisan yahay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, waxaana uu intaa ku daray in weeraryahanka uu yahay mid aysan iibsan karin koox kasta oo adduunka ah.

“Anigu ma sheegayo inuu isagu haatan yahay ciyaaryahaka ugu fiican adduunka, laakiin fikrad ahaanteyda isagu waa kan ugu qiimaha badan maanta suuqa kala iibsiga.” ayuu Mourinho u sheegay Canal Plus.

“Haddii aan anigu koox tababare u ahaan lahaa, marnaba xitaa kama fikiri lahayn Kylian Mbappe, maxaa yeelay isaga lama iibsan karo, waa mid aan la heli karin, haddii qof doonayo inuu isku dayo inuu iibsado, nasiib wacan!.”

Mbappe ayaa xulkiisa qaranka Faransiiska ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 2018 kala qeyb galaya isreeb-reebka tartanka qarammada Yurub ee Euro 2020, weeraryahankan ayaana kulankii ugu horreeyey xulkiisa ee isreeb-reebka Euro 2020 gool u dhaliyey daqiiqaddii 87-aad, ciyaartaasoo ay 4-1 uga adkaadeen dhiggooda Moldova.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close