HORDHACA: Kulanka xiisaha badan ee kooxaha Elman Iyo Muqdisho City Club

(Soomaaliya) 25 Maarso 2019. Kooxaha Elman Fc Iyo Muqdisho City Club ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis, Ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Kulanka ugu taageeryasha Badan ayaa dhici doona galabta waa ciyaarta loo magac bixiyay Derby Capital ama kulanka Caasimada,labadan kooxod waxey yihiin kuwa isla xisaabtama marka ay timaado kubadda cagta.

Tani waa ciyaarta mideysa labada taageerayal ee kooxaha maadama garoomada lagu arko marka ay dheelayan kooxahan buur ay wata taageeryasha labadan dhinac iyo sawaxan aan xad laheyn, waana sabata aan u dhahay kulanka ugu weyn horyaalka.

Marka ay timaado kulankan waxaa jira xidigo waa weyn oo lagu xasuusto balse hada aan qeyb ka aheyn labada dhinac waxaana kamid ah, Mustaf France, Babaay, Sacad Saalax, C/raxmaan Baladweyne, Yaasiin, Goolhaye Gaatamow,Cabdilaahi Dheere iyo magacyo kale.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Kooxda kubadda cagta Elman kulanka galabta waxaa dib ugu soo labanaya ciyaaryahankeeda Jamaal kaas oo dhaawac ugu maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeyay ay dheehso kooxdiisa.

Wiilasha Muqdisho City Club kulan ciyaareedkan waxaa dhawac ugu maqnaanaya xidigaha kala ah Jaleelow oo dhaawac muruqa ku seegaya kulankan, Banteki oo isagana wali dhaawac ugu maqan iyo Saciid Yamani oo iskagana dhaawac jab ah ku seegaya ciyaartan.

Naadiga Muqdisho City Club ayaa galabta waxaa dib ugu soo laabanaya ciyaaryahan Baanu Kaaso kulankii ugu dambeyay  jaalooyin kooxda ugu maqnaa.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Elman Fc Vs Muqdisho City Club

Garoonka: Banadir Stadium

Kulanka:  Derby Caasimada

Saacada: 3:30

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Afartii dheel ee ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa saddex kamid ah badisay naadiga Muqdisho City Club halka kooxda Elman ay adkaatay hal kulan oo qura, taas oo ka dhigan in laga awood roonyahay  kooxda Jaalasha ee Elman.

Waa markii ugu horeysay kooxda Muqdisho City Club magaceeda dhawaan galka ah ay kula ciyaarto kooxda Elman, hore waxaa loo oran jiray Banadir Sports Club.

Daadir Aamiin ayaa galabta kulankiise ugu horeyay ka hor imaan doona kooxdiise hore ee Muqdisho City Club isago iminka xiran maaliyada jaalayasha ee Elman.

Sido kale Muqdisho City Club waxaa galabta isagana ka hor imaan doona goolhaye Aweys oo iminka shaqada u ilaaliya kooxda Elman.

Kooxda Muqdisho City Club kulankii ugu dambeyay waxey 5-2 ugu soo adkaatay Naadiga Madbacada Qaranka.

Halka Naadiga Jaalayasha ee Elman ciyaartii ugu dambeysay 3 iyo2 ugu soo awood sheegatay kooxda Jazeera Sports Club.

Labadan kooxod waxey wada leeyihiin mid 10-dhibcood horyaalka midi galabta adkaatay ayaa sara mari doonta, hada waxaa sareysa Elman waxeyna ku jirta booska 4-aad halka Muqdisho City Club ay fadhiso booska 5-aad ee horyaalka.

Is Araga Labada Kooxod:

13/02/2018    Elman FC  2-6 Mogadishu City Club

12/04/2018    Mogadishu City Club 4-2  Elman FC

25/11/2016    Elman FC 1-2 Mogadishu City Club

24/03/2017    Mogadishu City Club 0-1  Elman FC

W/D: C/fitaax Naani

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close