Eden Hazard oo xalay xulka Belgium u saftay kulankiisii 100-aad… (Meeqa gool ayuu u dhaliyey xulkiisa?

(Cyprus) 25 Maarso 2019. Ciyaaryahan Eden Hazard ayaa xalay kulankiisii 100-aad u saftay xulkiisa qaranka Belgium kulankii ay ka horjeedeen dhiggooda Cyprus.

Kulankan waxa uu qeyb ka ahaa Guruubka  I ee isreeb-reebka tartanka Euro 2020, waxaana xulka qaranka Belgium uu ku adkaatay 2-0.

Goolka hore waxaa kulankan u daah furay xulka Belgium weeraryahanka kooxda Chelsea ee Eden Hazard, waxaana uu shabaqa gaarsiiyey goolkaas daqiiqaddii 10’aad ee bilowgii ciyaarta.

Inta aan la aadin qeybta nasashadana xulka Belgium ayaa la yimid goolka labaad waxaana u dhaliyey 18’daqiiqo Michy Batshuayi, sidaas ayuuna xulka qaranka Belgium uu 2-0 uga adkaatay Cyprus.

Eden Hazard ayaa xalay xulkiisa qaranka Belgium u saftay kulankiisii 100-aad, waxaana goolkii uu xalay dhaliyey uu ka dhignaa goolkiisii 30-aad ee uu u dhaliyo xulkiisa.

Hazard ayaa 100 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Belgium u dhaliyey 30 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close