Pirlo oo ka hadlay dareenkiisa kaga aadan jawiga garoonka Anfield, kaddib kulankii xalay dhex maray waayeelada kooxaha Milan iyo Liverpool

(England) 24 Maarso 2019. Halyeeyga kubadda cagta ee dalka Talyaaniga ee Andrea Pirlo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku ciyaaro garoonka Anfield, kadib kulankii samafalka ahaa ay wada ciyaareen halyeeyada kooxaha AC Milan iyo Reds.

Labada kooxood ee AC Milan iyo Liverpool ayaa ku kulmay garoonka Anfield ciyaar samafal ah ee loogu tala galay in loogu deego Mu’asasada kooxda Liverpool qiimo dhan £ 1m.

Kulankan dhex maray labada kooxood Liverpool iyo Milan ayaa wuxuu ku soo idlaaday 3-2 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Reds.

Kadib dhamaadkii ciyaarta halyeeyga Andrea Pirlo ayaa muujiyay sida uu u jecleystay jawiga garoonka Anfield wuxuuna yiri:

“Waxay ahayd arin aad u fiican inaan ku ciyaarno halkan, jawiga xili kasta waa mid cajiib ah, aad ayuuna u fiicnaa inta lagu gudi jiray ciyaarta”.

Intaas kadib Pirlo ayaa ka hadlay goolkii uu ka dhaliyay ciyaartan wuxuuna yiri:

“Anigu waxaan jeclaa inaan gool u dhaliyo si la mid ah xirfadeyda kubadda cagta, inaad gool ku dhaliso Anfield marwalba waa dareen wanaagsan, waana ku faraxsanahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close