“Ma filayo in Aabahey uu ii ammaani doono sida Jose Mourinho” –  Ivan Rakitić

(Yurub) 24 Maarso 2019. Xidiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Croatia Ivan Rakitić ayaa ammaanay tababare Jose Mourinho, waxayna arintan timid kadib ciyaartii lasoo dhaafay El Clásico ay ku wada ciyaareen Real Madrid.

Jose Mourinho ayaa sheegay in Ivan Rakitić uu yahay mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe ee ugu fiican aduunka, isagoo tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan ka dulmisan dhanka saxaafada.

Ivan Rakitić ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka caawa ay la ciyaari doonaan xulka Hungary wuxuu ku yiri:

“Jose Mourinho wuxuu si cad u ammaanay qaab ciyaareedkaada ugu dambeeyay, maxaad ugu jawab celin lahayd? Mahadsanid”.

“Mourinho waa falanqeeyaha ugu weyn ee aduunka, ma garanayo in aabahay uu ii ammaani doono sida Jose oo kale, waana ku faraxsanahay erayadaas”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close