RASMI: Xiriir kubadda cagta Argantina oo shaaca ka qaaday in Messi uu soo gaaray dhaawac isla markaana…

(Argentina) 23 Maarso 2019. Lionel Messi ayay u badan tahay inuusan seegi doono kulanka Talaadada soo aadan ay marti u noqon doonaan xulka qaranka Morocco, kaasoo ka mid ah kulamada ay ugu diyaar garoobayaan labada xul qaran tartamada Copa America iyo African Cup.

Xiriirka kubada cagta Argentina ayaa ku qoray boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka in Lionel Messi uusan ka qeyb qaadan doonin kulanka soo socda ee Talaadada, sababo la xiriira dhaawac kasoo gaaray kulankii Venezuela.

Messi ayaa ka qeyb galay ciyaartii Argentina iyo Venezuela ee jimcihii, taasoo ku dhamaaday 3-1 guuldaro ah ee dhabarka loo saariyay xulka Tango uu hogaaminayay Lio, ciyaar xiiso badan ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano ee kooxda Atlético Madrid.

Xiriirka kubada cagta Argentina ayaa isla qoraalkoodan waxay ku sheegeen in Lionel Messi uu dhaawac ka soo gaaray dhanka muruqa, taasoo ka dhigeysa inuusan ciyaari karin kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan dhigooda Morocco.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close