Muxuu kala jeeday dabaal-deggii uu xalay sameeyey Raheem Sterling markii uu goolka labaad ka dhaliyey Czech Republic??

(London) 23 Maarso 2019. Xulka qaranka England ayaa 5-0 ku xaaqay xalay dhiggooda Czech Republic oo marti u ahaa kulan ka tirsan tartanka Euro 2020.

Kulankooda furitaanka tartanka Euro 2020 ayey xalay xulka England guul ku bilowdeen, waxaana saddex ka mid ah shanta gool ee kulankan u dhaliyey Raheem Sterling.

Laacibka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Raheem Sterling ayaa saddex gool ee kulankan kala dhaliyey daqiiqadihii 24’aad, 62’aad iyo 69-aad.

Raheem Sterling ayaa soo saaray sawir iyo qoraal ku dhignaa funaad cad oo uu hoos ka watay markii uu dhaliyey goolka labaad ee kulankii xalay, arrintaas ayaana haatan daaha laga qaaday.

Waxaa la sheegay in Sterling uu go’aansaday inuu goolkii labaad ee uu xalay ka dhaliyey Czech Republic uu ku xusuusto wiilkii yaraa ee iskuulleyda ahaa ee Damary Dawkins kaasoo todobaadkan u geeriyooday xanuunka Leukaemia ee kanstarka dhiigga isagoo jira da’da 13-ka sano.

Sterling ayaa sawirka wiilkaas yar iyo magaciisa ku soo qortay funaaddiisa hoose si loo xusuusto, waana uu ku dabaal-dagay kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii labaad kulankii xalay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close