Maxay ka dhigan tahay saddexleeydii uu xalay xulka England u dhaliyey Raheem Sterling??

(London) 23 Maarso 2019. Xulka qaranka England ayaa 5-0 ku xaaqay xalay dhiggooda Czech Republic oo marti u ahaa kulan ka tirsan tartanka Euro 2020.

Kulankooda furitaanka tartanka Euro 2020 ayey xalay xulka England guul ku bilowdeen waxaana saddex ka mid ah shanta gool ee kulan u dhaliyey Raheem Sterling.

Laacibka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Raheem Sterling ayaa saddex gool ee kulankan kala dhaliyey daqiiqadihii 24’aad, 62’aad iyo 69-aad.

Haddaba maxay ka dhigan tahay saddexleeyda uu xalay xulka England u saxiixay Raheem Sterling?:-

>- Waa saddexleeydii ugu horreysay (first hat-trick) oo uu Raheem Sterling u dhaliyo xulkiisa qaranka England.

>- Raheem Sterling ayaana saddexleey u dhaliyey xulkiisa qaranka England 13 maalmood kaddib markii uu hat-trick u ansixiyey kooxdiisa Man City.

>- Raheem Sterling ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey xulka qaranka England ee saddexleey (hat-trick) u dhaliya kooxdiisa iyo dalkiisa hal bil gudaheed tan iyo Alan Shearer oo bishii September ee sanadkii 1999-kii saddexleey ka kala dhaliyey Luxembourg & Sheffield Wednesday, Sterling ayaana saddexleey ka kala dhaliyey Kooxda Watford & Czech Republic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close