Macallin Tite oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha xulka qaranka Brazil ee la kala ciyaari doona Panama iyo Czech Republic

(Rio) 23 Maarso 2019. Macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha xulkiisa ee la kala ciyaari doona Panama iyo Czech Republic.

Xulka South America ayaa marti-gelin doona caawa oo Sabti ah xulka Panama, ka hor inta aysan u safrin Yurub halkaasoo ay saddex maalmood kaddib kula soo ciyaari doonaan Czech Republic.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaan ka soo muuqan shaxdan waxaana uu awoodi waayey inuu soo laabto maadaama uu qabo dhaawac cagta ah, waxaana uu seegi doonaa kulamada uu xulkiisa Brazil ciyaari doono, macallin Tite ayaana go’aansaday inuu lambarkii Neymar ee 10-aad ku taago laacibka khadka dhexe ee kooxda AC Milan, Paqueta.

Xiddigo ka ciyaara horyaalka Premier League ayaa shaxdan qeyb weyn ka ah waxaana ka mid ah Roberto Firmino, Alisson, Fabinho, Ederson, Gabriel Jesus iyo Danilo kuwaasoo dhammaantood loo yeeray.

Laacibka kooxda West Ham United ee Felipe Anderson oo bandhig cajiib ah sameynaya ayaa markii labaad looga yeeray shaxda xulka qaranka Brazil, halka ciyaaryahanka kooxda Everton ee Richarlison uu isna helay booskiisa.

Liiska xiddigaha xulka qaranka Brazil ee lagu dhawaaqay halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Alisson, Ederson, Weverton.

Difaacyada: Alex Sandro, Dani Alves, Danilo, Eder Militao, Filipe Luis, Marquinhos, Miranda, Thiago Silva.

Khadka dhexe: Allan, Arthur, Casemiro, Fabinho, Felipe Anderson, Lucas Paqueta, Philippe Coutinho.

Weerarka: Everton, Roberto Firmino, Gabriel Jesus, Richarlison, Vinicius Junior.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close