ARAG: Sida ay u muuqan doonto Shaxda kooxda Liverpool haddii uu ku soo biiro Dybala… (Saalax, Mane iyo Firmino kee ka bixi doona Booska???)

(Liverpool) 23 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si weyn loola xiriirinayaa saxiixa laacibka Naadiga Juventus ee Paulo Dybala.

Sidoo kale kooxda tartanka ugu jirta hanashada horyaalka Premier League ee Reds waxaa  la la xiriirinayaa xilli ciyaareedka soo socda saxiixa difaaca naadiga Real Madrid ee Raphael Varane.

Dhinaca kale Sadio Mane ayaa waxaa ku raad joogta kooxda Real Madrid oo macallin Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu shaxdiisa ku hubeeyo xiddiga xulka qaranka Senegal.

Kooxda Liverpool ayaa tartanka ugu jirta hanashada horyaalka Premier League oo ay kula tartamayso Man City xilli ciyaareedkan, halka ay sidoo kale ku aadday wareegga siddeed dhammaadka Champions League kooxda FC Porto.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay u muuqan karto shaxda Reds haddii uu tago Mane, isla markaana uu yimaado Dybala.

Labada shax ee ay u muuqan karto kooxda Liverpool marka laga saaro Mane oo lagu daro Dybala ayaa tan koowaad waxa ay noqonaysaa sagaal beenaad ama waxa aad u taqaanaan No.9 False ah.

4-3-3:-

Shaxda labaad ayaana noqonaysa 4-2-3-1:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close