Lionel Messi oo tan iyo Koobkii Adduunka caawa dib ugu soo laabanaya xulkiisa Argentina

(Madrid) 22 Maarso 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa tan iyo koobkii Adduunka caawa dib ugu soo laabanaya xulkiisa qaranka Argentina, waxaana uu u ciyaari doonaa kulanka Venezuela.

Lionel Messi ayaa dib ugu soo laabanaya u ciyaarista xulkiisa qaranka Argentina kulanka saaxiibtinnimo oo ay caawa kula ciyaari doonaan Magaalada Madrid dhiggooda Venezuela.

Kabtanka kooxda Barcelona ayaan xulkiisa qaranka Argentina matalin tan iyo guuldarradii ay kala kulmeen France wareeggii 16-ka Koobka Adduunka ee sanadkii hore lagu qabtay dalka Ruushka.

Yeelkeede, macallin Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyey Khamiistii shalay in Leo Messi uu ku guuleysan doono kulankiisii 129-aad oo uu caawa u safan doono xulka.

Sidoo kale Messi ayaa xulka ula safri doona Tangier todobaadka soo socda, halkaasoo ay kulan saaxiibtinnimo kula soo ciyaari doonaan Morocco.

Kulanka caawa dhexmari doona xulalka Argentina iyo Venezuela ayaa la baasan doonaa sida qorshuhu yahay 11:00 habeennimo saacadda geeska Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close