Pique iyo Xavi oo dib u xiranaya kabahooda si ay u ciyaaraan kulanka Isniinta ee Catalonia vs Vanuzeula

(Barcelona) 21 Maarso 2019.  Xiddigaha Gerard Pique iyo Xavi ayaa si rasmi ah loogu daray liiska xiddigaha Catalonia ee wajahaya Venezuela.

Pique iyo Xavi ayaa kabahooda dib u xiran doonta kulanka saaxiibtinnimo ee Catalonia ay Isniinta la leeyihiin dhiggooda Venezuela.

Labadan ciyaaryahan ayaa in ka badan 200 oo kulan isku dar u saftay xulka qaranka Spain, waxaana ay markaan ka soo muuqan doonaan kulanka ka dhaacaya Girona’s stadium.

Catalonia ayaa magacaabatay shax aad u xooggan, waxaana marka laga soo tago Pique iyo Xavi sidoo kale ka mid ah shaxda 21-kan ciyaaryahan ee lagu dhawaaqay laacibka Southampton ee Oriol Romeu, xiddiga Stoke ee Bojan iyo daafaca Brighton ee Martin Montoya.

Wajiyada kale ee caanka ah oo kulankan lagu arki doono waxaa ka mid ah laacibka Sevilla ee Aleix Vidal, Real Betis xiddigeeda ee Marc Bartra iyo dambeedaka Naadiga Girona ee Marc Muniesa.

Catalonia ayaan ciyaarin tan iyo bishii December ee sanadkii 2016-kii, markaasoo ay barbaro 3-3 la geleen xulka Tunisia.

Markii ugu dambeysay ee Catalonia ay la ciyaarto xul ka socda South America waxay ahayd sanadkii 2009-kii markaasoo ay guul 4-2 ah garoonka Nou Camp kaga gaareen Argentina.

SHAXDA LAGU DHAWAAQAY EE CATALONIA OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Goolhayeyaasha: Isaac Becerra (Nastic de Tarragona), Edgar Badia (Elche).

Difaacyada: Martin Montoya (Brighton), Gerard Pique (Barcelona), Marc Bartra (Real Betis), Aleix Vidal (Sevilla), Didac Vila (Espanyol), Marc Cucurella (Eibar), Marc Muniesa (Girona).

Khadka Dhexe: Victor Sanchez (Espanyol), Xavi Hernandez (Al Sadd), Pere Pons (Girona), Oscar Melendo (Espanyol), Joan Jordan (Eibar), Alex Granell (Girona), Oriol Romeu (Southampton), Aleix Garcia (Girona).

Weerarka: Sergio Garcia (Espanyol), Bojan Krkic (Stoke), Marc Cardona (Eibar).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close