Karim Benzema oo ka mid ah afar ciyaaryahan oo xagaagan ka tagaya kooxda Real Madrid

(Madrid) 21 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay go’aansatay inay albaabada u furto suuro-galnimada ay ku iibinayso xagaagan xiddigeeda Karim Benzema.

Tababare Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay garoonka Bernabeu horraantii bishaan, ninka reer France ayayna u badan tahay inuu shaxdiisa isbedel wayn ku sameyn doono xilli ciyaareedka soo aaddan.

Sida ay warinayso jariiradda Marca, Benzema waa mid ka mid ah afar ciyaaryahan oo loo oglaanayo xagaagan inay soo gabagabeeyaan waqtigooda kooxda La Ligaha ka dheesha ee Madrid.

31-sano jirkaan ayaa 10 sanadood ku qaatay Real Madrid, laakiin saraakiisha kooxda ayaa ka warqaba inay weli lacag qiimo badan ku heli karaan xiddiga reer France.

Weeraryahankan, kaasoo kaliya heshiis waqti dheer qalinka ugu duugay Los Blancos sanadkii hore ayaa dhaliyey 22 gool tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Raphael Varane, Isco iyo Gareth Bale ayaa sidoo kale ah saddexda ciyaaryahan ee kale ee la la xiriirinayo inay kooxda Real Madrid isaga tagi doonaan suuqa xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close