Goolhaye Loris Karius oo weydiistay kooxda Liverpool inuu dib ugu soo laabto kaddib markii…

(Liverpool) 21 Maarso 2019. Goolhaye Loris Karius ayaa la soo warinayaa inuu kooxda Liverpool weydiistay inay kansasho heshiiska amaahda ah ee uu ku joogo Naadiga Besiktas.

Kooxda Merseyside-ka ayaa doonaysa inay Karius u ogolaato inuu iska joogo kooxda reer Turkiga muddo labo sano ah ka hor bilowgii xilli ciyaareedkan, goolhayahan ayaana 27 kulan saftay tartammada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, tiro qaladaad ah oo uu sameeyey ayaa keentay in Karius uu dhaleecayn kala kulmo tababare Senol Gunes, waxaana uu u muuqdaa in xiddigan reer Jarmal uu doonayo inuu ku laabto gegada Anfield.

Warsidaha Turkiye Gazetesi ayaa warinaya in Karius uu doonayo in la siiyo fursaddiisa si uu u raadsado koox cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, halkii uu xilli ciyaareedkii labaad ku qaadan lahaa kooxda ka dhisan Istanbul.

Karius sidoo kale waxaa loo tixgelin karaa inuu yahay ku xigeenka cusub ee goolhaye Alisson iyo Simon Mignolet kaasoo uu hal sano kaga haray qandaraaskiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close