YAABKA YAABKIIS: Ma aamineysid lacagaha lagu iibsaday Xanjadii uu Calaalinayay Ferguson kulankiisii ugu dambeeyay ee Manchester United!!!!

(Manchester) 20 Maarso 2019. Marna ma iibsan kartid sanadihii dahabiga ahaa uu Sir Alex Ferguson ku qaatay Manchester United balse waxaad ugu yaraan iibsan kartay Xanjadii uu calalinayay kulankii ugu dambeeyay uu xilka u hayay kooxa ka arimisa Old Trafford.

eBay ayaa xanjadii uu Ferguson ruugayay kulankiisii ugu dambeeyay Man United ay bar baraha 5-5 la galeen West Brom bishii May 2013 ku iibisay lacago ay adag tahay in la aamino, maxaa yeelay waxaad u baahan tahay inaad noqoto Taajir/Hodan si aad u awoodo in lacago intaas la eg ku iibsato xanjo uu ruux kale soo calalliyay.

Xanjada ayaa lagu iibiyay 390,000 bound oo u dhiganta $516.000 oo Doolarka Mareykanka.

Laacib farta ka xiran ayaa lagu iibsan karay isla lacagahaan Xanjada lagu iibsaday berigii uu Ferguson qabanayay xilka Manchester United ee 1986-dii.

Tokeo la picha la Fergusons final piece of chewing gum

Ama waxayba 5-maalmood kaa bixisaa mushaarka waalida ah uu Alexis Sanchez ka qaato Old Trafford.

Lacagaha lagu iibiyay Xanjada ayaa la sheegayaa in lagu bixin doono dha-dhaqaaqyada samafalka kooxda ee  MU Foundation.

Waxaa xusid mudan in Alex Ferguson uu badanaa xanjo ruugi jiray 27-kii sano uu hayay xilka kooxda lagu naaneyso Red Devils.

Picha inayohusiana

Yeelkeede beeso badan ayaa lagu iibsaday xanjadii ugu dambeysay uu calalinayay kulankiisii ugu dambeeyay ee Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close