Real Madrid oo si adag ugu soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa bar-tilmaameedka kooxda Barcelona

(Yurub) 20 Maarso 2018. Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee “Sport” tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa weydiistay maamulka sare ee Real Madrid in loo keeno ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin ee Adrien Rabiot xagaaga soo aadan.

23 jirkaan ayaa haatan gadood ka ah kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, wuxuuna iska diiday in uu u kordhiyo qandaraaska, madaama heshiiskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Dabcan, tani waxay sababtay rabitaanka dhammaan kooxaha waaweyn ee qaarada yurub si ay ugu helaan saxiixa Adrien Rabiot beeca xurta ah, waxaana dhawaanahan si hoose lala xiriirinayay in Barcelona ay tahay kooxda ugu dhow uu ku biiri karo.

Adrien Rabiot ayaa xaq u leh inuu u saxiixo heshiis cusub kooxda uu doonayo inuu ku biiro, balse ilaa iyo haatan wuxuu qiimeenayaa xulashadiisa.

Khadka dhexe ee reer France ayaa la filayaa inuu ku biiro midkood kooxaha waaweyn ee haatan xiiseenaya saxiixiisa, iyadoo ay Real Madrid qeyb ka soo noqotay loolanka, waxaa laga yaabaa inay u muuqato inay u soo bandhigto dalabyo soo jiidasho leh.

Waxaa xusid mudan in kadib markii ay kooxda Barcelona ku dhawaaqday dhameystirka saxiixa Frenkie de Jong, in aragtida Adrien Rabiot ay gabi ahaanba isbadashay, sidaas darteed Real Madrid ayaa noqon karta kooxda ugu cad cad uu ku biiri karo xili ciyaareedka soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close