PSG oo kula dagaalameysa kooxaha waaweyn ee England saxiixa mid ka mid ah xidigaha Juventus

(PSG) 20 Maarso 2018. Paris St Germain ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka garabka weerarka kaga ciyaara kooxda Juventus ee reer Brazil Douglas Costa.

Kooxaha reer England ayaa loolan adag ugu jira saxiixa  Douglas Costa, waxayna doonayaan inay gacanta ku dhigaan adeegiisa, gaar ahaan Manchester United iyo Chelsea.

Yeelkadeeda, Paris Saint-Germain ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato 29 jirkan reer Brazil bilaha soo socda, sida ay qortay jariirada kasoo baxda dalka France ee Le 10 Sport.

Juventus ayaa la filayaa inay aqbasho 30 ilaa iyo 35 milyan euro si ay u iibiso Douglas Costa, kadib imaatinkiisa sanad kahor, laacibka reer Brazil ayaa haatan lumiyay booskiisa Bianconeri sababa la xiriira dhaawacyo joogta ah uu la kulmay.

Laacibka reer Brazil ee Douglas Costa ayaa Juventus kaga soo biiray kooxda Bayern Munich sanadkii 2017 qiimo dhan 46 milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close