Giggs oo ka jawaab celiyay weerarkii uu Ibrahimović ku qaaday halyeeyada Manchester United

(Manchester) 20 Maarso 2018. Macalinka xulka qaranka Weles ahna halyeeyga kooxda Manchester United ee Ryan Giggs ayaa ka jawaab celiyay weerarkii uu Zlatan Ibrahimović Ku qaaday jiilkii Red Devils ee tan iyo 1992-dii.

Shalay ayay ahayd kadib markii uu Zlatan Ibrahimović  wareysi uu bixiyay ku sheegay:

“Jiilka Ferguson ee sida (Gary Neville, Scholes iyo Giggs”, waxay xili kasta ka qeyliyaan Taleefishinada, sababtoo ah wax shaqo ah kuma lahan kooxda, hadii aad dooneyso inaad ka shaqeyso kooxda, waa inaad u tagtaa kooxda ee aad raadisaa shaqo”.

Laakiin Ryan Giggs oo ka jawaab celinayay weerarka Zlatan Ibrahimović ayaa wuxuu yiri:

“Marka aan ciyaarno kulamo badan ee Manchester United ah, ee ah wax ka badan 2,000 ee kulan, waxaan xaq u leenahay inaan yeelano ra’ayi”.

Hadalka kasoo yeeray Ryan Giggs ayaa wuxuu u muuqdaa mid uu ku difaacayo jiilkii ku hareereysnaa Sir Alex Ferguson ee 1992-dii.

“Mararka qaar fikradaheena waa mid fiican, halka fikradaha qaarna aysan fiicneyn, lakiin uma maleynayo inay saameyn ku yeelaneyso heerka kooxda ee garoonka dhexdiisa, tani waa kubada cagta, fikrado badan ayaa kala duwanaan kara”.

“Laakiin xaqiiqdii Zlatan Ibrahimović wuxuu ka war qabaa wax badan ee ku saabsan kooxda, in ka badan inta aan ka war qabno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close