Xherdan Shaqiri oo laga saaray liiska xulka qaranka Switzerland ee tartanka Euro 2020

(Liverpool) 19 Maarso 2019. Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Shaqiri ayaa laga saaray liiska xulka qaranka Switzerland ee ciyaari doona kulammada furitaanka ee isreeb-reebka tartanka Euro 2020.

Sababta liiska xulka qaranka Switzerland looga saaray laacibkan garabka uga dheela kooxda Reds ee Xherdan Shaqiri ayaa lagu sheegay dhaawac dhanka gumaarka ah.

Shaqiri ayaa la sheegayaa inuu hadda seegi doono kulammada isreeb-reebka Euro 2020 oo uu xulkiisa Switzerland wajihi doono xulalka Georgia iyo Denmark.

Liverpool ayaa haatan iska xaadirisay siddeed dhammaadka Koobka Champions League, sidoo kalena waxa ay tartan ugu jirtaa hanashada horyaalka Premier League, waxaana arrintaas ka qeyb qaatay Shaqiri kaasoo lix gool u dhaliyey laga soo bilaabo bishii October illaa December.

Xulka qaranka Switzerland ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqi doona ciyaaryahanka bedeli doona booska uu ka baxay 27-sano jirkaan Xherdan Shaqiri.

Gibraltar iyo Republic of Ireland ayaa xulka macallin Vladimir Petkovic kula jira Group-ka D tartanka qarammada Yurub ee Euro 2020-ka.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close