Virgil van Dijk: “Goolasha Mohamed Salah ee Liverpool waa ay imaan doonaan”

(Liverpool) 19 Maarso 2019. Difaaca xulka qaranka Netherlands ee Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga ay ka wada tirsan yihiin Reds ee Salah uu markale sida ugu dhaqsiyaha badan shabaqa soo taaban doono oo ay imaan doonaan goolashiisa.

Mohamed Salah ayaa si dhaqso ah bilaabi doona inuu goolal u dhaliyo si aan ugu dhaafno tartanka horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa laga soo xigtay difaaca joogga dheer ee Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa labo dhibcood oo nadiif ah kaga hoggaaminaysa horyaalka Manchester City inkastoo kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ay hal kulan oo aysan ciyaarin gacanta ku haysato, xiddigaha Reds ayaana aadaya fasaxa caalamiga ah ee qarammada kaddib markii ay guul 2-1 garoonka Craven Cottage Axaddii kaga soo gaareen naadiga Fulham.

Laakiin Salah ayaa ku dhibtoonaya waqtigan inuu goolal dhaliyo waxaana uu dhaliyey kaliya hal gool tartammada oo dhan labadii bilood ee la soo dhaafay.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa fursado badan oo uu gool ku dhalin karay lumiyey kulankii ay ka horjeedeen Cottagers, waxaana uu sii dheereeyey gool dhalin la’aantiisa, isagoo 7 kulan aan shabaqa soo taaban.

Macallinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa difaacay gooldhalin la’aanta Salah, kaasoo 17 gool oo horyaalka Premier League dhaliyey xilli ciyaareedkan, isagoo ka dambeeya weeraryahanka Man City ee Sergio Aguero oo hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka Ingiriiska.

Van Dijk ayaa kalsooni ku qaba in Salah oo ka nasanaya waajibaadka xulka qarankiisa Egypt bishaan uu dib ugu soo laaban doono gool dhalintiisa kooxda Liverpool.

“Mo waa ciyaaryahan heer sare ah,” Van Dijk ayaa sidaas u sheegay Website-ka kooxda Liverpool kaddib markii ay Axaddii 2-1 uga adkaadeen Fulham kaddib gool ku laad soo daahay oo uu goor dambe u dhaliyey James Milner.

“Dadku waxay dhihi karaan wixii ay doonayaan oo dhan, laakiin waxaan qabaa in dhammaan kooxaha Premier League ay jeclaan lahaayeen inay kooxdooda ku haystaan isaga, waan heysannaa isaga, waxaana qabaa inuu si fiican u ciyaaro.

“Goolashu way imaan doonaan, taasi waa wax laga yaabo inay maskaxdiisa ku jirto, laakiin waxaan u sheegnaa mar kasta ‘waxaad u baahan tahay kaliya inaad sii shaqeyso, sii socoto, waadna fiicnaan doontaa.”

Kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo laaban doonta ciyaarista horyaalka Premier League 31 bishaan Maarso markaasoo ay garoonkooda Anfield ku soo dhoweyn doonaan kooxda kaalinta saddexaad ee horyaalka ku jirta ee Tottenham.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close