“Ronaldo iyo Messi oo kale 100-kii sano hal mar ayay dhashaan”

(Yurub) 19 Maarso 2018. Xidiga reer Serbia iyo kooxda Roma ee Aleksandar Kolarov ayaa si weyn u amaanay laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo, kahor kulanka ay isaga hor imaan doonaan kulamada isreeb reebka ee tartanka Euro 2020.

Aleksandar Kolarov ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka talyaaniga wuxuu kaga hadlay xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Image result for Kolarov, Messi and Ronaldo

“Ciyaartoyda sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxay dhashaan hal mar 100-kii sano”.

“Ma  jirto wax xeelad ah ee lagu joojin karo, weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, hadii aad isku daydo inaad joojiso”.

Si kastaba hadalka Kolarov ayaa wuxuu imaanayaa xili uu xulka qaranka Serbia kulan saaxiibtinimo ah kula ciyaari doono arbacada soo socota dhigooda Germany.

Kahor inta aysan 25-ka bishan kula ciyaarin xulka Portugal, wareega hore kulamada isreeb reebka tartanka Euro 2020-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close