“Waa Munaafaqnimo.”.-Premier League oo loo soo jeediyay Dhaleeceyn Xoogan oo ku aadan Muslimiintii lagu Xasuuqay Masjid ku yiilay New Zealand

(England) 18 Maarso 2019. Maamulka Premier League ayaa loo soo jeediyay dhaleeceyn wayn oo ku aadan inaysan daqiiqad aamusnaan ah u sameyn Muslimiintii lagu laayay labo Masjid oo ku yiilay  Christchurch ee dalka New Zealand maalinkii Jimcaha.

Ugu yaraan 50-qofood ayaa ku geeriyootay halka afartameeyo kale ay ku dhaawacmeen xasuuqaa xanuunka badan leh.

Kooxaha Premier League ayaa wada xirtay marada madoow iyagoona daaray heesta calanka Faransiiska kaddib weerarkii ka dhacay Paris 2015.

Image result for New Zealand mosque attacks: Who is Brenton Tarrant

Balse waa ka wada indho xirteen inay daqiiqad aamusnaan ah u sameeyaan xasuuqii Jimcaha loogu geystay Muslimiin ku cibaadeysanaysa Masjid.

Lix kulan oo qaran, Horyaalka ciyaaraha Rugby ayaa daqiiqad aamusnaan ah u sameeyay dhacdadii New Zealand balse Premier League, EFL iyo FA Cup waa iska indho tireen.

“Wax mar marsiyo ah malahan, markasta oo ay wax dhacaan kubbada cagta had iyo jeer waxay sameyn jirtay xushmad,” Madixii hore ee Guddiga Sinnaanta Jinsiyada ee FA Yunus Lunat ayaa sidaa u sheegay BBC-da.

 Last week's shootings saw 50 worshippers killed in New Zealand

“Waa caddaalad darro iyo munaafaqnimo, in daqiiqad aamusnaan ah la sameeyo waxay ahayd waxa ugu fiican ee la sameeyo.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close