Messi oo si wayn ugu mahad celiyay Taageerayaasha Real Kaddib markii ay u sameeyaan wax uusan weligii horey u arag

(Spain) 18 Maarso 2019. Iskaba dhaaf taageerayaasha Barcelona waxaa xalay messi xitaa u saro kacay taageerayaashii ka soo horjeeday kaddib markii uu ka dhaliyay saddexleey xarago leh.

Barca ayaa hal gacan ku qabsatay koobka La Liga maadaama ay 10-dhibcood oo nadiif ah hogaanka ku heyso.

Taageerayaasha Real Betis ayaa u wada sara kacay Lionel Messi kaddib markii uu ka dhaliyay goolkiisii saddexaad kaa oo cajiib ahaa.

Daafacyada iyo waliba goolhayaha oo taagan ayuu Messi kubbad caqliyeysan ka dul bootiyay taa oo dhalisay inay xitaa u sacbo tumaan taageerayaashii ka soo horjeeday.

Messi oo qudhiisa ka hadlay arrinkan ayaa sheegay inaysan weligii sidan oo kale horey u soo marin.

“Aad baan uga mahad naqayaa.”. Messi ayaa sidaa yiri.

“Sidaan oo kale weli horey la iiguma sameyn.

“Markasta si fiican ayay noola dhaqmaan marka laga soo tago inaan nahay kooxo xifaaltama.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close