Cristiano Ronaldo oo Khatar ugu jira inuu seego kulanka Ajax ee wareega 8-da Champions League

(Europe) 18 Maarso 2018. Cristiano Ronaldo ayaa khatar ugu jira inuu seego kulanka wareega 8-da Champions League ay Juventus ku wajaheyso Ajax kaddib debaal degii uu sameeyay ciyaartii uu saddexleyda ka dhaliyay Atletico Madrid lugta labaad ee wareegii 16-ka.

Laacibka reer Portugal ayaa dhaa-dhaajinayay tababare Diego Simeone kaa oo xaniinyahay qabsaday kaddib markii ay kooxdiisa 2-gool uga adkaatay Marwada duqda ah lugtii hore ee wareega 16-ka.

UEFA ayaa iminka dacwad anshax xumo ah ku soo oogtay Cristiano Ronaldo taa oo ka dhalan karta in la ganaaxo laacibkii hore ee Real Madrid.

Xiriirka kubbada cagta Yurub ayaa sidoo kale xaqiijisay in kiiska Ronaldo ay la tacaali doonto khamiista soo socota.

Simeona oo sameeyay falkan oo kale ayaa lagu ganaaxay 17,000 oo bound balse lagama ganaaxin garoonka, hayeeshee 34-jirka reer Portugal ayay u badan tahay in lagu rido ganaax garoon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close