Wayne Rooney oo dhaliyey saddexleeydiisii ugu horreysay ee horyaalka MLS-ka Mareykanka… + SAWIRRO

(Washington) 17 Maarso  2019. Kabtankii hore ee hore ee kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa dhaliyey saddexleeydiisii ugu horreysay Horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Wayne Rooney ayaa hat-trick u dhaliyey kooxdiisa DC United kulan horyaalka MLS-ka ah oo ay ka horjeedeen Naadiga Real Salt Lake, waxaana ay sii wataan guuldarro la’aantooda ay ku bilowdeen.

Waa markii ugu horreysay oo xiddiga reer England ee Wayne Rooney uu saddexleey ka dhaliyo horyaalka MLS-ka Mareykanka.

Kulankan uu saddexleeyda saxiixay Rooney waxa ay kooxdiisa DC United 5-0 uga adkaatay Real Salt Lake.

Rooney ayaa labo ka mid ah goolashaas dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana uu midka kale raacsaday markii laga soo laabtay nasashada.

Kooxda DC United ayaa guuldarro la’aanteeda ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan weli sii joogtaynaysa, Rooney ayaana 15 gool u dhaliyey kooxdan tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Everton.

Lucas Rodriguez iyo Ulises Segura ayaa sidoo kale labada gool ee kale kulan u dhaliyey kooxda DC United.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close