Valverde oo si rasmi ah daaha kaga rogay Liiska xidigaha Barcelona kaga qablaya kulanka caawa ee Real Betis

(Spain) 17 Maarso 2019. Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Barcelona uu ula safri doono caawa kulanka Real Betis ee ka tirsan kulamada 28-aad horyaalka La Liga dalka Spain.

Liiskan uu ku dhawaaqay macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa waxaa ka maqan Ousmane Dembélé oo aan cagaha soo saari doonin garoomada mudo dhan afar toddobaad, kadib dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa bowdada kulankii Lyon.

Balse taasi badalkeeda waxaa liiskan dib ugu soo laabtay Thomas Vermaelen oo tan iyo bishii Janaayo ku maqnaa dhaawac, sidoo kale waxaa liiskan qeyb ka ah Kevin-Prince Boateng.

Hadaba xidigaha liiskan ku soo baxay si ay kaga qeyb galaan kulanka caawa ee Real Betis ayaa waxaa kala ah:

Goolhaayaasha: Ter Stegen iyo Cillesen.

Difaacyada: Semedo, Piqué, Lenglet, Umtiti, Alba, iyo Sergi Roberto.

Khadka dhexe: Busquets, Rakitic, Coutinho, Arthur Melo, Vidal iyo Carles Aleñá

Weerarka: Lionel Messi, Luis Suarez, Malcom iyo Kevin-Prince Boateng.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close