RASMI: Macallin Ajnabi ah oo loo dhiibay hoggaanka xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta

(Muqdisho) 17 Maarso 2019. Sida uu goordhow inoo xaqiijiyey guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), macallin Ajnabi ah ayaa loo dhiibay hoggaanka xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta.

Tababaraha cusub ee loo dhiibay inuu hoggaamiyo xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta magaciisa oo dhammaystiran waa Hayford Bashir Kweku, waxaana uuna ka soo jeedaa Waddanka Ghana.

Hoggaaminta xulka qaranka Soomaaliya ayaa macallin Hayford Bashir Kweku si rasmi ah loogu dhiibay 01 bishaan Maarso, waxaana uu xulka qarankeennaa uu hoggaamin doonaa sanadaha soo aaddan.

Macallin Hayford kama mid ahayn tababareyaasha ajaaniibta ah ee hoggaamiyeyaasha ka ahaa kooxaha ka dheela horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya (Somali Premier League), laakiin xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa dalka keenay kaddib markii ay heshiis la soo gaareen.

Hayford Bashir Kweku ayaa xilka tababarennimo ee xulka qaranka Soomaaliya ka bedelay macallin Maxamed Cabdulle Farayare oo horay xulka u hoggaamin jiray.

Tababare Hayford ayaa labo kooxood oo kala duwan oo ka dhisan dalkiisa Ghana kula guuleystay horyaalka dalkaas.

Kulankiisa koowaad ayuu tababare Hayford Bashir Kweku xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta hoggaamin doonaa bisha July ee soo aaddan, markaasoo xulkeenna Soomaaliya uu tartanka Chan Cup ku beegan yahay xulka Rwanda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha macallinkan cusub ee loo dhiibay xulka qaranka Soomaaliya iyo sawirradiisaba dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close