Kooxda Liverpool oo si dhib leh kaga adkaatay Fullham misane qaab ku meel gaar ah ula wareegtay hogaanka horyaalka +Sawiro

( Premier League ) 17 Marso 2019 Kooxda Liverpoo ayaa guul baxsad ah ka gaartay kooxda Fullham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League , natiijada kulan ciyaareedka ayaana ku dhamaaday 2-1 oo ay ku adkaatay kooxda Liverpool .
Qeebti koowaad ee kulan ciyaareedka kooxda Liverpool ayaa soo bandhigatay qaab ciayreed cajiib ah iyaga oona la yimid gool , halka kooxda Fullham ay ku hun goobeen in ay iska soo bareejeeyaan goolka koowaad .
Reds ayaa ayaa heshay goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga rere Sinagal ee Mane kaddib markii uu caawin ka helay Roberto Firmino daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta .
Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa kud dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Liverpool , muddo kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan .
Kooxda Fullham oo ayaa la timid goolka bareejada qeebtii dambe ee ciyaarta waxaana goolkaas u dhaliyey Ryan Babel kaddib markii uu ka faaideysatay qalad ay sameyeen sedex xidig oo kooxda Liverpool ah .
Reds ayaa dadaal u gashay sidii ay ku heli lahayaan goolka labaad ee ciyaarta balse kooxda Fullham ayaa sameesay difaacasho qurux badan .
ugu dambeen Liverpool waxa aya heleen goolka labaad ee ciyaarta oo aheyd mid rigoore ah waxaana u dhaliyey Milner kaddib markii qalad lagu galay Sadio Mane.
Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku dhamaaday 2-1 oo ay ku adkaatay kooxda Liverpool waxa ayna si gumeel gaar ah ula waregeen hogaanka horyaalka madaama kulan ciyaareedkii City ee todoabaadkan la baajiyey .
Gool FM