David Beckham oo doonaya inuu hal koox isugu keeno Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi!

(Miami) 17 Maarso 2019. David Beckham ayaan meesha ka saarin suuro-galnimada uu kooxdiisa Inter Miami ku keeni karo weeraryahannada waqtigan dunida ugu fiican ee Ronaldo iyo Messi.

Beckham waxa uu ka war hayaa in qorshaha uu Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo uu ku keenayo kooxdiisa Inter Miami uusan noqon doonin mid fudud in la sameeyo.

Yeelkeede, waxa uu isku dayi doonaa Beckham inuu xiddigaha ugu fiican kubadda cagta adduunka keeno horyaalka MLS-ka Mareykanka sida warkiisa laga dheehan karo.

Laacibkii hore ee kooxda Manchester United, Beckham oo hadda qeyb ka leh kooxda Miami ayaa Suxufiyiinta u sheegay inaan la ogaan karin waxa dhici doona, markii la weydiiyey haddii uu labada xiddig ee waa weyn Ronaldo iyo Messi keensan doono kooxdiisa.

“Iyagu waxa ay ku ciyaarayaan heer aad u sarreeya, waana ay adag tahay in la arko iyaga oo ka tagaya kooxahooda.” ayuu David Beckham u sheegay Suxufiyiinta.

“Laakiin waa arki doonana, marnaba ma ogaan kartid waxa dhici kara kubada cagta.” ayuu hadalkiisa ku daray xiddigii hore ee xulka qaranka England, Beckham.

Cristiano Ronaldo ayaa mar aan dheereyn ku biiray kooxda Juventus isagoo isaga tagay Naadiga Real Madrid, halka Lionel Messi uu waqtigiisa oo dhan ku qaatay u ciyaaridda kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close