Zinedine Zidane oo guul ku hogaamiyey kooxda Real Madriid kulankii ugu horreyey ee soo laabashadiisa + Sawirro

( La Liga ) 16 Marso 2019 Kooxda Real Madriid aya guul muhiim ah ka gaartay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka Spain , kualn ciyareedka ayaa ku dhhamaaday 2-0 .

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka kooxda Real Madriid ayaa weerar cir iyo dhul ku qaaday shabaqa kooxda Celta Vigo balse uma suura galin ay helaan gool qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Keylor Navas oo dib u helay xulashada dooqa koowaad ee goolka Madrid ayaa sameyey bad baadino cajiib ah qeebtii koowaad ee ciyaarta , Bale , Marcelo iyo Isco  ayaa dhamaantoodba soo bandhigay qaab ciyareed aad u wanagsan .

Ugu dambeen kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday bar-baro 0-0 wallow Real ay soo bandhigtay kubad cajiib ah misane ay ku guul dareesteen in ay helaan gool .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Madrid ayaa markale ku soo gashay dar dar aad u xoogan wallow gool uu dhaliyey Modric uu garsoorka ku sheegay in ay aheyd garab dhaaf .

Daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta waxaa yimid goolkii koowaad ee kooxda Madrid waxaana shabaqa gaaray Isco kaddib markii uu caawin ka helay xidiga reer  Farance ee Benzema .

Los Blancos ayaa mar kale gaartay shabqa waxaana goolka labaad ee ciyaarta dhaliyey xidiga reer Weles ee Bale kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay Marcelo daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Real Madrid macalin Zida ayaana guul ku furtay kulankii ugu horeeyey ee uu hogaamiyo kooxda Real Madrid .

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close