Ronaldo oo Messi ku garaacay abaal-marinta laacibka isbuuca ee Koobka Horyaalladda Yurub.. (Yaase ku guuleystay goolka todobaadka Champions League?)

(Yurub) 16 Maarso 2019. Waxaa lagu dhawaaqay ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta laacibkii Isbuucan ugu fiicnaa tartanka Koobka Horyaallada Yurub ee Uefa Champions League.

Cristiano Ronaldo oo wacdaro dhigay, kooxdiisa Juventusna u soo saaray siddeed dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka todobaadka ee Champions League.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee CR7 ayaa saddexleey ka kacay kulankii lugta labaad ee ay Turin ku soo dhoweeyeen Atletico Madrid, waxaana la xusuustaa in kooxdiisa Juve lugtii hore looga soo adkaatay 2-0, balse kooxda reer Talyaani ayuu u soo saaray wareegga siddeed dhammaadka Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal-marinta laacibka isbuuca ee Champions League ku garaacay Kabtanka kooxda Barcelona Lionel Messi oo labo gool dhaliyey labo kalena caawiyey kulankii ay kooxdiisa Barcelona 5-1 uga tallaabsatay naadiga Lyon.

Xiddigaha kale ee uu CR7 ku garaacay abaal-marintan waxaa ka mid ah weeraryahanka Manchester City ee Leroy Sané oo hal gool dhaliyey saddex kalena caawiyey kulankii ay kooxdiisu City 7-0 uga adkaatay Schalke 04 iyo Sadio Mané oo weerarka uga dheela kooxda Liverpool kaasoo labo gool ugu shubay Bayern Munich oo ay uga adkaadeen 3-1.

Dhinaca kale Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Sadio Mané ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolkii isbuuca ugu quruxda badnaa tartanka Champions League, waxaana uu ku qaatay goolkii koowaad ee uu ka dhaliyey naadiga Bayern Munich ee dalka Jarmalka kulankii ay ku adkaadeen 3-1 ee ka dhacay dalka Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close