Meeqa kulan ayuu Cristiano Ronaldo ka hortagay kooxda Ajax imise gool ayuuse ka dhaliyey??

(Yurub) 16 Maarso 2019. Waxaa gelinkii dambe ee shalay la sameeyey isku aadka siddeed dhammaadka Champions League, waxaana ka soo baxay kulamo adag sida midka dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Haddaba Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa nasiib ku lahaa inuusan ku aadin kooxda Barcelona oo uu hoggaamiyo Lionel Messi kuwaasoo isku arki kara kaliya Final-ka tartankan, waxaana CR7 iyo kooxdiisa Marwada duqda lagu beegay Ajax.

Kooxaha Juventus iyo Ajax ayaa middii soo aadkaata waxa ay afar dhammaadka Champions League kula kulmi doonta midkood Tottenham iyo Manchester City oo dhankooda wada ciyaaraya.

Dhinaca kale Manchester United iyo Barcelona kooxdii soo badisa ayaa ku aadi doonta afar dhammaadka tartankan kooxaha Liverpool iyo FC Porto middii soo baxda.

Haddaba maadaama Juventus ay ku aadday Ajax, waa sidee rikoorka uu Cristiano Ronaldo tartammada oo dhan ka haysto kooxda Ajax.

CR7 ayaa horay kooxda reer Holland ee Ajax tartammada oo dhan uga hortagay 5 jeer, waxaana uu ka dhaliyey 7 gool, kaliyana waxa uu ku guuldarreystay inuu hal kulan gool ka dhaliyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close