Liverpool oo kooxda Manchester United kula tartamaysa saxiixa James Rodriguez

(England) 16 Maarso 2019. Liverpool ayaa kula tartami doonta kooxda Manchester United saxiixa laacibka khadka dhexe ee naadiga Real Madrid, James Rodriguez sida wararku ay sheegayaan.

Xiddiga xulka qaranka Colombia ayaa ku dhow dhammaadka labo sano oo amaah ah oo uu kula joogayo kooxda Bayern Munich, taasoo keentay natiijooyin isku dhafan.

James ayaa dhowaan ku dhuftay qaab ciyaareed wanaagsan, laakiin kooxda Bayern ayaa si maldahan u sheegtay inaysan qorsheynaynin inay isaga si joogta ah ula saxiixdaan suuqa xagaaga.

Manchester United ayaa horay loo sheegay inay u dhaqaaqday soo xero gelinta 27-sano jirkaan, kaasoo aysan u badnayn inuu ku laabto kooxda koowaad ee Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda oo uu ka hoos ciyaaro Macallin Zinedine Zidane, warsidaha talkSPORT ayaana soo jeediyay in kooxda Liverpool ay sidoo kale tartan u geli karto sidii ay ula soo saxiixan lahayd isaga.

Warbixin gooni ah oo ka soo baxday Wargeyska Isbaanishka ah ee Elconfidencial ayaa sheegaysa in kooxda Real Madrid ay 70 milyan oo gini ku iibinayso xiddigii hore ee Monaco.

James ayaa qeyb libaax ka qaatay todobo gool 16 kulan oo uu u saftay horyaalka Bundesliga Jarmalka xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close