Kooxda Manchester United oo ka hartay tartanka Fa Cup kaddib guul daro ay kala kulantay kooxda Wolves+Sawiro

( Fa Cup) 17 Marso 2019 Kooxda Manchester United ayaa gabi ahaanba isaga hartay tartanka Fa Cup kaddib guul daro xanuun badan oo ay kala kulantay kooxda Wolves , kulan ciyareedka labada koox ayaana ku soo dhamaaday 2-1.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyareedka kooxaha Manchester United iyo Wolves ayaa ku kala baxay bareejo goolal la’an ah ,wallow ay labada koox soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan .

Kooxda Manchester United ayaa kulanka soo gashay iyada ciyaartoy muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa ay kulanka ku soo bulowdeen sida Harrera iyo Lingard .

Manchester ayaa daqiiqadihii ugu horeeyey ee ciyaarta la wareegtay gacan ku heenta kulanka iyaga oona sameenayey isku xir buuxa oo boos walaba ah balse uma suura galin in ay gool dhaliyaan .

Sidoo kale kooxda Wolves ayaa dhankeeda ku wanaagsaneed kubada qeebihii dambee ee qeebtii koowaad ee ciyaarta lkn wax gool ah ma aysan la imaan .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala maray bar-baro , waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan .

Kooxda Wolves ayey u suura gashay in ay helaan goolka koowaad ee ciyaarta waxaana goolkaas u dhaliyey xidiga numbarka 9-aad Raul Jimenez daqiiqadii 70-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta .

Daqiiqado yar un kaddib kooxda Wolves ayaa heshay gool kale oo labaad waxaana shabaqa gaaray laacibka lagu magacaabo Jota daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Ruben Neves .

Ciyaartoyda United waxaa la soo darsay culees aad u weyn qeebtii dambe ee ciyaarta waxa ayna awoodi waayeen in ay iska soo gudaan goolasha laga dhaliyey shabaqeeda.

Waqtigii dheeriga ee lagu daray ciyaarta kooxda Manchester United ayaa heshay gool waxaana u dhaliyey laacibkooda Rashford kaddib caawin uu ka helay daafa dambeedka bidix ee Luka Shaw

Ugu dambeen kulankii u dhexeyey kooxaha Wolves iyo United ayaa ku gaba gaboobay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Wolves oo u gudubtay wareega afar dhamaadka tartanak Fa Cup .

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close