Kooxda Man city oo guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Sawansea kulan ka tirsanaa tartanka Fa Cup+Sawiro

( Fa Cup )16 Marso 2019 Kooxda Man City ayaa guul soo laabsho leh ka gaartay kooxda sawansea kulan ka tirsanaa wareega lixaad ee tartanka Fa Cup , natiijo ciyaareedka kulanka ayaana ku soo dhamaaday (3-2)

Qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Swansea ayaa soo bandhigaty wacadaro weyn kaddib markii ay la yimaadeen labo gool qeebtii  koowaad ee kulankaba .

Kooxda Man City ayaa la kowsatay fajac iyo layaab , Swansea oo garoonkeeda ku ciyaareysay ayaa dhalisay goolka koowaad ee ciyaarat oo ahaa mid rigoore ah daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Matt Grimes .

Daqiiqado yar kaddib waxaa yimid goolkii labaad ee ciyaarta waxaana shabqa kooxda City gaaray xidiga lagu magacaabo  Bersant Celina daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta kaddib markii uu caawin ka helay lacibka lagu magacaabo Nathan Dyer.

City ayaa sameesay dadaalo badan oo ay ku dooneysay in ay isaga soo aar gudo goolasha labada ah ee lagu lee yahay balse uma suura galin in ay helaan wax gool ah qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Kulan  ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku dhamaaday 2-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Sawanse lkn waqti nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo xiiso gooni ah yeelatay .

City ayaa deg deg u sameesay badal qeebtii dambe ee ciyaarta , xidiga reer Argentina ee Sergio Aguero oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa caawiye ka noqday goolkii koowaad ee City waxaan dhaliyey xidiga reer Pottugal ee Bernardo Silva daqiiqadii 69—ad ee ciyaarta .

Daqiiqado yar un kaddib City ayaa la timid goolkii labaad ee ciyaarta oo ahaa mid rigoore ah  waxaana u tuuray Aguero balse gool hayaha kooxda Swansea ee Kristoffer Nordfeldt ayaa iska dhaliyey.

Citay ayaa ugu dambeen heshay gool kale oo sedaxaad waxaana City guusha ku hogaamiyey laacibkooda reer Argentina ee Aguero kaddib caawin uu ka helay Bernardo Silva oo kulanka ka dhex muuqday .

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku dhamaaday 3-2 oo ay ku badisay kooxda Man City oo sameesay soo laabsho cajiib ah .

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close