HORDHAC : Wolves VS Manchester United ? wax kasta oo ku saabsan kulanka kooxahan ee wareega lixaad ee tartanka Fa Cup

( FA Cup) 16 Marso 2019 kooxda Manchester United ayaa caawa la balansan kooxda Wolves kulan ka tirsan wareega sided dhmaadka tartanka FA Cup oo hadda maraya heerkii ugu xiisaha badanaa .

Kooxda Manchester United ayaa sand ciyaareedkii hore ku hungoobday tartanka balse waxa ay xili ciyaareedkan ay doonayaan in ay hantaan , wallow kooxda Wolves ay tahay mid taqaan sid loola xisaabtamo kooxaha ugu waaweyn horyaalka Premier League .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Wolves daafeceeda dhexe ee Ryan Bennett  oo qaba ganaax labo kulan oo Premier League aha ayaan suuragal u noqoneen in uu ciyaaro tartan kasto oo ay maamusho FA dalka England sidaas darted waxa uu seegayaa  kulankan caawa ee ay la ciyaarayaan kooxda Manchester United waxana booskiisa badal u noqon kara  Romain Saiss.

Macalinka kooxda Wolves ee  Nuno Espirito Santo ayaan qabin wal wal dhaawac oo xidigihiisa ah waxa uuna heystaa saf dhameestiran oo uu ka soo xulan karo ciyaartoy tayo wanaagsan oo ka hor tagata kooxda United .

Manchester United’ weerarkooda Romelu Lukaku ayaa shaki laga gilinayaa kulankan waxa uuna qabaa dhaawac waxan booskiisa badali doono Martial oo ka soo kabsaday dhaawac uu qabay .

Ashley Young ayaa ka ganaaxan kooxda martida ah balse waxaa dib safkooda ugu soo laabtay Phil Jones kaas oo diyaar u ah kulanka , dhinaca kale xidigaha kala ah  Jesse Lingard iyo Ander Herrera ayaa dib ugu soo laabtay tawabarka kooxda waxaana macquul ah in ay ku lug yeeshaan kulankan.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka:  Wolverhampton VS Manchester United ( FA Cup )

Goobta : Molineux Stadium

Goorta :10:45 oo habeenimo

Garsoorka : Martin  Atkinson

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Waa is aragoodii 100-aad ee dhamaan tartamada , kooxda Manchester United ayaa 10-1 kaga adkaatay kulankii ugu horeeyey oo ay wada ciyaaraan waxa uu ahaa kulan katirsan horyaalka waxaana lagu ciayaaray Old tarford bishii October 1892 balse xilikaas United  waxaa lowgu yeeri jiray magaca Newton Heath.

United ayaa badisay afar kamida 8-kulan oo ay kooxda  Wolves ku wajahday tartanka  FA Cup halka  Wolves ay badiyeen labo kulan.

Manchester United ayaa horey ugu guuleysatay  12-jeer tartanka  FA Cup waxana hal oo kaliya  ay u jira  kooxda Arsenal oo qaaday 13-jeer tartanka .

United ayaa soo xaadirtay markii shanaad oo xiriir ah tartanka  FA Cup wareegiisa quarter-finalka , si walab ha ahaatee waxa aya eeganayaan in markoodii labaad oo xiriir ay gaaraan wareega semi-finalka markoodii ugu horeysay tan iyo xili ciayaareedyadii 2003-04 iyo 2004-05.

Tan iyo  January 2015  Manchester United ayaa badisay  17-kualn  waxa ay bar-baro galeen hal kulan  halka ay qasareen labo kualan  20-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay FA Cup .

Waa markii ug horeysay ee kooxda Woves ay ka soo muuqato wareega quarter-finalka tartanka FA Cup tan iyo 2003 markaas oo ay qasaaro 2-0 ay kala kulmeed kooxda Southampton.

safafka macquulka ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close