HORDHAC : Swansea VS Man City ? xogat kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey

( FA Cup ) 16- Marso 2019 Kooxda Manchester City ayaa caawa ciyaari doonta kulan katirsan wareega 6-xaad ee tartanka Fa Cup waxa ayna la balansanyihiin kooxda Swansea oo sandkan wacadaro ka dhigeysa tartanka.

City ayaa guul weyn ka soo gaaray kooxda Schalke 04 kualn katirsanaa tartanka Champions League sidoo kale  waxana xusid mudan in kulamdii ugu dambeyey ee Fa Cup aya ku soo badineyeen gool fara badan .

Wararka labada koox ka hore kulanka :

Hogaamiayaha gool dhalinta ee kooxda Swansea’ee Oli McBurnie ayaa qaba dhaawac fudud loomana badaniyo in uu ku soo bilowdo kulanka balse waxaa loo isticmaali karaa kusiga keedka si badal ciyaarta uu ugu soo galo .

Cameron Carter-Vickers ayaa laga saray safka wajahaya kooxda Man City balse xidiga kale ee Kyle Naughton  ayaa shagi laga gilinayaa kaulankan isaga oona qaba dhaawac muraqa ah .

Manchester City ayaa weyneysa adeega daafeceeda  John Stone kaas oo aan wali u soo kabsan si wanaagsan waxa uuna seegay kualnkii Cahmpions League .

Ciyaartoyda kala ah Kevin De Bruyne iyo Vincent Kompany oo qudhooda seegay kulankii salaasadii eeChampions League aya wali ka sii maqnaan doona  kooxda Man City .

Ogysiiska kulanka :

Kualnka : Swansea VS Man City ( FA Cup )

Goobta : Swansea

Goorta : 8:20 oo habeenimo

Garsoorka :  Andre  Marriner

Xaqiiqooyinnka ciyaarta :

Manchester City ayaa soo badisay 10 –kamida 11-kii kualn ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda Swansea dhamaan tartamada .

Waa markii ugu horeyey ee Kooxaha Swansea iyo Man City ay isag hor imaanayaan tartanak FA Cup taariikhdooda .

Kooxda Swansea ayaa garoonkeeda lowga badin tartan walbo tan iyo maalmihii  Boxing Day 7-kulan oo ay ku ciyaarta shan kamida waa ay badiyeen halka labo kulan aya breejo galeen .

Swansea yaa eeganeysa in ay gaarto markoodii sedexaad wareega  semi-finalka , horey waxa ay u tiigsadeen sandihii 1925-26 iyo 1963-64.

Kooxda Man City ayaa wada badisay labadii is arag ee horyaalka sanadkii hore waxa ayna isku dar labada kulan  dhalisay ( 9-0)

City ayaa dhalineysay ugu yaraan Afar gool sedexdii kulan ee ugu dambeyey ee tartanka FA Cup xili ciyareedkan , in afar jeer oo xiriir ah ay dhalliso min afar gool waxaa ug dambeysay sandkii -1926.

Eeg shaxaha macquulka ah ka hor kulanka caawa :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close