Fabio Cannavaro oo loo magacaabay macallinka cusub ee xulka qaranka Shiinaha

(China) 16 Maarso 2019. Kabtankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga, Fabio Cannavaro ayaa loo magacaabay macallinka cusub ee xulka qaranka Shiinaha, waxaana uu la shaqeyn doonaa Marcello Lippi.

Difaacii hore ee kooxaha Parma, Real Madrid iyo Juventus,Cannavaro oo 45-sano jir ah ayaa ku guuleystay Koobkii Adduunka ee sanadkii 2006.

Cannavaro ayaa sii wadan doona inuu hoggaamiyo kooxda ka dhisan horyaalka Shiinaha Chinese Super League ee Guangzhou Evergrande.

Marcello Lippi kaasoo isaga tagay xulka China kaddib markii uu ku soo haray wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka Asian Cup bishii Janaayo ayaa sii ahaan doona la taliye.

Macallin Cannavaro ayaa kulankiisa ugu horreeya xulka Shiinaha hoggaamin doona kulanka ay ka horjeedaan Thailand 21 bishan Maarso ee China Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close