David Moyes oo falanqeeyay kulanka dhex mari doona kooxaha Manchester United iyo Barcelona

(Yurub) 16 Marso 2019. Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee David Moyes ayaa ka hadlay fikirkiisa kaga aadan kulanka ku dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Red Devils wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Isku aadka wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League ayaa shalay oo jimco ah la sameeyay, waxaa kasoo baxay kulamo aad u xiiso badan, sida kulanka dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Manchester United, kaasoo dhib u xasuusinaya qof walba finaaladii 2009 iyo 2011.

Hadaba tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee David Moyes ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports”, wuxuu kaga hadlay kulanka la wada sugayo ee kooxaha Barcelona iyo United-ka wuxuuna yiri:

“Manchester United waxay la ciyaareysaa Barcelona, waa kulan cajiib ah, laakiin Red Devils waxay wajihi kartaa koox kasta ee ka hor timaada, gaar ahaan kadib guushii ay ka gaareen Paris Saint-Germain”.

“Qaabka ay u ciyaarto kooxda Barcelona waa cajiib, waxaan weli Barcelona u arkaa inay kooxda ugu cad cad ee ku guuleysan karta Champions League”.

“Wuxuu noqon doonaa kulan cajiib, gaar ahaan in kulanka lugta hore lagu ciyaari doono garoonka Cump Nou, waxayna faa’iido weyn u tahay kooxda reer Catalonia”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close