“Waan dhaawici karnaa kooxda Barcelona” – Chris Smalling

(Europe) 15 Maarso 2019. Daafaca kooxda Manchester United ee Chris Smalling ayaa sheegay in Red Devils ay diyaar u tahay inay ku wajahdo Barcelona tartanka Champions League.

Dhinca kale Chris Smalling ayaa tilmaamay in kooxdiisa Manchester United ay dhaawici karto Barcelona.

Isku aadka wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League ayaa maanta la sameeyay, waxaa kasoo baxay kulamo aad u xiiso badan, sida kulanka dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Chris Smalling ayaa kadib isku aadka la sameeyay wuxuu ka hadlay aragtidiisa kaga aadan kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

“5 ama 6-dii isbuuc ee ugu dambeysay, marka loo fiiriyo guulihii aan ka gaarnay kooxaha  Chelsea, Tottenham ama PSG, waan ognahay sida aan u dhaawici karno kooxda naga soo hor jeeda ee Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close