Ma Ogtahay in Man United ay Rikoodh Xun ka heysato Barcelona halka Messi uu Rikoodh Shidan ka heysto Kooxaha England???

(Europe) 15 Maarso 2019. Waxaa goor dhow la sameeyay isku aadka wareega 8-da Champions League iyadoo la isku beegay kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

United ayaa rikoodh xun ka heysata Barca halka Lionel Messi uu rikoodh fiican ka heysto kooxaha England.

Manchester ayaa adkaatay hal kulan oo qura 8-dii kulan ay European Cup/Champions League ka hor timid Barcelona (3-guul daro iyo 4 bar-baro) iyadoona guul darreysatay labadii kulan ee ugu dambeeyay ay ku kulmaan Final ka Champions League 2009 iyo 2011.

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa rikoodh kal iyo laab u shidan ka heysta kooxaha England oo wuxuu ka dhaliyay 22-gool tartanka Champions League waana in ka badan laacib kasta oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close