Halkan ka aqriso wax kasta oo aad ugu baahan tahay isku aadka wareega 8-da Europe League oo Maanta la sameynayo….(Chelsea iyo Arsenal oo qoorta la isku galin karo)

(Europe) 15 Maarso 2019. Kooxaha reer London ee Chelsea iyo Arsenal ayaa si xarago leh ugu soo gudbay wareega sideed dhammaadka Europe League.

Blues ayaa shan gool ku tiirisay Dynamo Kiev halka Gunners ay saddex gool uga adkaatay Rennes.

Inter Milan ayaa iyadu tartanka isaga hartay kaddib markii gool madi ah looga badiyay iyadoo mininkeeda ku ciyaareysa.

Haddaba halka ka aqriso wax kasta oo aad uga baahan tahay isku aadka wareega 8-da ee Europe League.

Goorma ayaa la sameynayaa halkeesa lagu sameynayaa?

Waxaa la sameyn doonaa maanta duhuradii sideed saac wixii ka dambeeya kaddib marka la sameeyo isku aadka Champions League, waxaana lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Isku aadka wareega semi final ka ayaa xitaa la sii sameyn doonaa isla maanta.

Waa kuwee kooxaha u soo baxay wareega 8-da.

Chelsea, Frankfurt, Benfica, Napoli, Valencia, Slavia Prague, Arsenal iyo Villarreal.

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?

Kooxaha ayaa isugu aadi kara sidii la doono iyo nuuc kasta oo ma jiro sharci la ilaalin doono, tusaale ahaan kooxaha ka wada dhisan London ee Chelsea iyo Arsenal ayaa qoorta la isku galin karaa.

Goorma ayaa la ciyaarayaa wareega 8-da?

Kulamada ayaa la kala ciyaari doonaa 11-ka Abriil iyo 18- isla bishaas.

Semi Final ka ayaa iyana la ciyaari doonaa:

2-da misha May iyo 8-da May.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close