DEG DEG: Kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo isku arki kara kaliya Final-ka Europa League

(Yurub) 15 Maarso 2019. Waxaa goordhow la shaaciyey isku aadka siddeed dhammaadka Europa League, waxaana kulanka ugu adag uu noqday midka dhex mari doona kooxaha Napoli iyo Arsenal.

Haddaba Kooxaha ka wada dhisan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa nasiib u yeeshay inaysan isku aadin siddeed dhammaadka, sidoo kalena aysan ku kulmin afar dhammaadka Koobka UEFA Europa League.

Napoli iyo Arsenal kooxdii soo adkaata ayaa ku aadi doonta afar dhammaadka Europa League Villarreal ama Valencia middii soo baxda.

Chelsea iyo Slavia Prague ayaa middii soo aadkaata waxa ay afar dhammaadka Europa League ku kulmi doonaan midkood Benfica iyo Frankfurt oo dhankooda wada ciyaaraya.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in kooxaha reer London ee Chelsea iyo Arsenal ay kaliya isku arki karaan final-ka tartanka Europa League.

Isku aadka siddeed dhammaadka Europa League ee maanta la sameeyey oo dhammaystiran:-

Napoli vs Arsenal

Villarreal vs. Valencia

Benfica vs Frankfurt

Slavia Prague vs. Chelsea

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close