DEG DEG: Isku aadka siddeed dhammaadka Europa League oo la sameeyey… (Arsenal v Napoli, Chelsea v…)

(Nyon) 15 Maarso 2019. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga siddeed dhammaadka Europa League, kaddib munaasabad lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Kooxda Arsenal ayaa madaxa loo geliyey naadiga Napoli ee dalka Talyaaniga, waxaana kooxda reer England ay kulanka hore ku soo ciyaari doontaa carrada Italy.

Kooxaha reer Spain ee Villarreal iyo Valencia ayaa iyaguna isku dhacay, halka kooxda Benfica ay soo dhoweyn doonto lugta hore naadiga Frankfurt.

Macallin Sarri kooxdiisa Chelsea ayaa nasiib u yeelatay inay ku aaddo naadiga yar ee Slavia Prague, iyadoo kooxda reer England ay lugta hore marti noqon doonto.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka siddeed dhammaadka Europa League oo dhammaystiran:-

Napoli vs Arsenal

Villarreal vs. Valencia

Benfica vs Frankfurt

Slavia Prague vs. Chelsea

Kulammada siddeed dhammaadka Europa League ayaa la kala ciyaari doonaa 11-ka April iyo 18-ka isla bishaas, halka kulammada Semi Final-ka tartankan la dheeli doono 2-da bisha May iyo 8-da isla bisha May.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close