Daawo Goos-gooska saxiixa cusub ee kooxda Real Madrid Eder Militao

(Madrid) 15 Maarso 2019. Macallin Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay todobaadkan kooxda Real Madrid, waxaana uu durba sameeyey saxiixiisii ugu horreeyey.

Zinedine Zidane ayaa saddex maalmood kaddib markii uu dib ugu soo laabtay xilka tababarennimo ee kooxda Los Blancos waxaa uu la soo saxiixday difaaca naadiga FC Porto ee Eder Militao.

21-sano jirkaan ayaa ogolaaday heshiis lix sanadood ah oo uu xagaaga ugu soo dhaqaaqayo kooxda Real Madrid, wararka laga helayo dalka Spain ayaana soo jeedinaya in xiddiga reer Brazil ay Los Blancos kula soo wareegtay adduun dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta 43.5 milyan oo gini.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa bandhigga uu laacibkan Eder Militao ka sameeyey garoomada kaasoo sidoo kale u soo ciyaaray kooxda Sao Paulo ee ka dhisan dalkiisa hooyo.

Guji halkaan si aad u daawato muuqaalka Militao

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close